Willian Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Ku Biirayo Tottenham.

0
303

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa ugu dambayn Afka furtay kana hadlay wararka sheegaya in uu haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Tottenham xagaaga.

Heshiiska Willian ee chelsea ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka ilaa haatana wax heshiis ah uma saxiixin Blues.

Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Barcelona ayaa ka mid ahaa kooxaha lala xidhiidhinayay xiddiga reer Brazil laakiin waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in ay Tottenham ku guulaystay saxiixa xiddiga.

Joogista Tababare Jose Mourinho ee Tottenham ayaa la sheegay in ay sabab tahay in uu Willian doorto in uu ku biiro kooxda Spurs.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa wararkaas beeniyay isaga oo wargayska ESPN u sheegay”gabi ahaanba ma jiro Wax heshiis Ah Oo Dhow”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here