William Ruto oo loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya

0
150

Baydhowy(Raathiyow Arlaathi) William Ruto ayaa loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Kenyaa, wuxuu xilka sii heyn doonaa shanta sano ee socota.

Waxaana sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya loo dhaariyay Rigathi Gachagua.

Dad gaarayo 60,000 qof ayaa ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo ay ka dhaceysa munaasabadda caleemo saarka Ruto.

Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay William Ruto isaga oo gacanta loo geliyay nuqul kamid ah dastuurka iyo seefta muujineysa xil wareejinta.

Ninkii la tartamayay Ruto, Raila Odinga ayaanan ka qeybgalin munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub isagoo sheegay in uu ‘walaac xooggan’ ka qabo oo ku aadan natiijada doorashada.

Waxaana munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay madaxweyneyaal dhowr ah oo ka socda Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Ruto wuxuu helay 50.49% codadkii la dhiibtay ee doorashada, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here