Wiil 9 jir ah oo muuqaal uu ka daawaday TiKTok dartii u galay qalliin

0
213

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hooyo ayaa sheegtay in wiilkeeda oo sagaal jir ah uu nasiib u yeeshay inuu noolaado ka dib markii ay barta TikTok ku baahisay in willkeedau u baahan yahay qalliin degdeg ah oo caloosha ah.

Jack Mason, oo ka yimid Stirling, UK waxay noqotay in laga saaro xiidmaha, ka dib markii uu liqay birlabyo badan oo yaryar.

Muuqaalo dhex wareegayay aaladda TikTok ayaa lagu arkay carruur birlabyada noocaas ah oo afka ku haysa.

Jack hooyadiis Carolann McGeoch ayaa hadda dooneysa inay waalidiinta uga digto halista ka imaan karta.

Waxay BBC -da u sheegtay in waalidiinta “ay si toos ah u geliyaan birlabyada weelka qashinka” maadaama wiilkeeda laga saaray isbitaalka isagoo ay sugeyso ka soo kabasho dheer.

Jack ayaa isbitaal la geeyay 7-dii Sebtember ka dib markii calool xanuun iyo matag isku daray.

Ka dib markii computer caloosha laga saaray , shaqaalaha caafimaadka ayaa si degdeg ah ugu diray ambalaas Isbitaalka Royal ee Carruurta ee Glasgow halkaasoo raajooyinku muujiyeen in wax xannibayaan mindhicirka Jack.

Carolann wuxuu sheegay in si dhaqso leh loo ogaaday in xannibaadda ay ahayd birlabyo yaryar oo halmeel isugu soo uruuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here