WHO oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg-deg ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Caabuqa cusub ee corono ayay hay’adda caafimaadka ee WHO ugu dhawaaqday inuu yahay xaalad caafimaad oo deg-deg ah oo caalami ah iyadoo oo uu xanuunkan ku sii faafaya dalalka caalamka.

”Sababta ugu weyn ee loogu dhawaaqay xaaladda deg-degga ah ayaanan ahayn waxa ka dhacaya shiinaha balse sababtu ay tahay sida uu xanuunka ugu sii faafaya dalalka kale.” ayuu yiri madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Walaaca ayaa ah in caabuqa uu ku faafo dalalka aan lahayn hab caafimaad oo tayasan. Dhimashada xanuunkan ayaa haatan gaartay 170 qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in 98 kiis laga sheegay 18 dal oo aanu Shiinaha ka mid ahayn, balse ma jirto cid ilaa haatan u dhimatay.

Inta badan kiisaska caabuqan ayaa lagu arkay dadkii ka soo safray magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii horeba ka soo bilwoday xanuunkan dunida walaaca badan ku abuuray.

Laakinse waxaa jiray 8 kiis oo ay dadka isku gudbiyeen kuwaasi oo ka dhacay dalalka Jarmalka, Japan, Vietnam iyo Mareykanka.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay magaalada Geneva ayaa Shiinaha ku amaanay tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqa Corona ee ay qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here