WHO oo ka dayrisay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya.

0
155

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in gelitaanka waqooyiga Itoobiya ay tahay arrin degdeg ah, si loo badbaadiyo nolosha malaayiin qof oo ay wajahaya “masiibo baahsan” oo dadka baabi’inaysa.

Cudurada Daacuunka iyo Jadeecada, ayaa laga diiwaan galiyay gobolada Axmaarada iyo Canfarta, halkaas oo hay’adaha gargaarku ay aad ugu yar yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha hey’adda, ayaa waxay sheegeen in tallaalada carruurta ay joogsadeen, oo sahaydii dareerayaasha dawooyinka tallaalka ee IV-da, insulin-ta oo loo isticmaalo cudurka Sonkorta iyo antibiyootiga ay ka dhammaadeen xarumaha caafimaadka intooda badan. In ka yar toban xarumood oo caafimaad, ayaa ka hawl gasha gobolka.

Waxaa jirta cunto yari iyo shidaal yari ba’an, iyadoo lagu qiyaasay 89% dadka ku nool Tigrayga ay hadda haysato duruufaha cuntada oo gabaabsi ku ah, 29% caruurtuna waxay la il daran yihiin nafaqo darro.

Guud ahaan gobolada Tigrayga, Axmaarada iyo Canfarta, Qaramada Midoobay, ayaa waxay ku qiyaastay in 13 milyan oo qof inay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here