WHO oo dalalka Afrika ee Furay Duullimaadyada Ugu Baaqday In ay Raacaan Talooyinka Caafimaad

0
288

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Caafimaadka Adduunk ee WHO ayaa ugu baaqday Dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xillli Dalal kala duwan oo ka tirsan qaaraadda ay dib u fureen duullimaadyada.

Hay’adda ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Korona waxayna codsatay in shirkadaha diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika, Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha dalalaka gobolka, balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.

Waxay ha’yaddu ka codsatay saraakiisha garoomada diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.

WHO waxay sheegtay in dalalka Kaamaruun, Equatorial Guinea, Tanzaaniya iyo Zambia ay horey u bilaabeen dullimaadyadooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore soo saartay go’aan ay dib ugu fasaxeyso duullimaadyada gudaha dalka oo muddo xirnaa.

Xukuumadda ayaa sheegtay in laga billaabo Axadda berri ah ay dib u billaabanayaa duullimaadyada gobollada dalka iyada oo maamul goboleed walba la qoondeeyay maalintii hal duullimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here