WhatsApp oo joojinaysa inay ku shaqeyso malaayiin taleefoon

0
391

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Barnaamijka ay dadka isugu diraan farriimaha ee WhatApp ayaanan ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan laga bilaabo 1-da Febraayo.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.

WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyoo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android ee 2.3.7 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, taleefannada qaar sida iPhone 4s, kaas oo ku shaqeeya barnaamijka iOS 7 oo kaliya, ayaanan ku shaqeyn doonin barnaamijka WhatsApp.

“WhatsApp wax kale oo u furan malahan oo aan ka ahayn inay xaqiijiso in adeegeedu uu ahaado mid ammaan ah, hasayeeshee waxa ay shirkaddu wajahaysaa saameyn kaga imanayso taleefannada duqa ah ee aan ku shaqeyn doonin barnaamijkooda,” ayuu sheegay Ben Wood oo ka tirsan CCS Insight.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here