WFP oo sheegtay in xaaladda abaaraha ee Geeska Afrika ay sii xumaanayso.

0
166

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in gaajada daran ee ka jirta gobolka Geeska Afrika ee ay sababeen abaaraha daba dheeray, inay sii kordhayso marba marka ka dambaysa.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku nool qaar kamid ah dalalka Africa ay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani. Waxay sheegeen in abaarahaasi ay haatanba sababeen in malaayin xoolo ahi ay dhinteen, halka illaa 7 million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan, iyo inay xoolahooda, inta u hadhay, ay u raadsadaan baad iyo biyo.

Hay’adda WFP ayaa ka digaysa in tirada dadka abaaruhu saameeyeen ee ay hayso gaajada darani, inay sii kordhayaan, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.

WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here