West Ham Oo La Filayo In Ay Arsenal Ka Diido Dalabka Cusub Ee Declan Rice.

0
91

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay diido dalabka ay Arsenal ka gudbinayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay West Ham diidi doonto dalabka Gunners soo wado ee ay ku doonayso saxiixa xiddiga Declan Rice.

Dalabka Arsenal ayaa ah 90 milyan oo euro oo u dhigma 75 milyan oo lacag toos ah iyo 15 milyan oo Gunooyin ah.

West Hamayaa rumaysan in lacagta 15-ka ah ee gunooyinka ay ay adagtahay in la helo.

Sidoo kale West Ham ayaa wali rumaysan in ay Man City ku biiri doonto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here