West Ham Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Man City Ka Gudbisay Declan Rice.

0
118

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)West Ham ayaa diiday dalabkii 90 milyan ay Man City ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice, sida laga soo xigtay The Telegraph.

Rice ayaa ka mid ah xiddigaha loogu hadal haynta badan yahay suuqa xagaagan iyada oo xiddiga reer England la filayo in uu isaga tago kooxda West Ham suuqa xagagaan.

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga Rice waxana haatanba laga diiday laba dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ahaa 90 milyan oo euro.

Laakiin Man City ayaa dhinaceeda laga diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga kaas oo ahaa 80 milyan oo lacag toos ah iyo 10 milyan oo Guno ah.

Mail Sport ayaa sheegaysa in ay Arsenal diyaarinayso dalab cusub oo 3-aad oo ay ka gudbinayso Rice iyada oo 48 saac ee soo socda miiska u saari doonta dalab ku lid ah Midka City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here