Wembley oo u hiillinaya Liverpool iyo FA-ga oo yabooh wanaagsan u sameeyay maamulka horyaalka Premier League

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa su’aal weyn ay ka taagan tahay dhammeystirka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2019-20 iyo in horyaalka la guddoonsiin doono kooxda Liverpool oo hadda labo guul u jirta hanashada horyaalkoodii ugu horreeyay muddo 30 sano ah.

Garoonka Wembley oo uu caadiyan ku ciyaaro xulka qaranka England ayaa maalintii marti galin kara illaa afar kulan, halka National Football Center (NFC) oo fadhigooda yahay xarunta St George’s Park ay qaabili doonto dhinacyada kale sida tababarka.

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa lagu soo warramayaa in Wembley iyo St George’s Park ugu hibeyn doono maamulka Premier League si xilli ciyaareedka loogu dhammeystiro.

Taas ayaa ka dhigan in ciyaaraha ka harsan horyaalka lagu ciyaari doono taageere la’aan maadaama aysan wali la xakameyn faafaha coronavirus.

Qorshahan ayaa ah mid dhaxal gal ah maadaama garoonka Wembley uu qaabili karo afar kulan maalintii, taasoo fududeyneysa in la xakameeyo safarrada ciyaartoyda iyo garsoorayaasha, si la mid ah Saxaafadda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in xarunta St George’s Park ee National Football Centre ay leedahay hotel ka kooban 228 qol iyo 13 garoon oo kubadda cagta ah, kaasoo kooxaha ay tababarka ku sameyn karaan, taasoo sahleysa in ciyaartoyda iyo shaqaalaha ay goobtaas ku wada xareysnaadaan.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa laga maarmi karaa haddii la helo xaalad wanaagsan oo sidii caadigii ahayd loogu ciyaari karo ciyaaraha.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here