Webiga Niil oo Biyo Yareeyay

0
236

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in 50% ay sii yaraanayaan biyaha soo gaaraya biyo xireenka Ruseyras ee webiga Niilka Buluugga.

Maamulka biyo xireenka Suudaan ee Ruseyras ayaa sheegay in dib u dhaca dib u bilaabashada wadaxaajoodyada ku aaddan biyo xireen Itoobiya uu halis gelin karo shaqada biyo xireenka Suudaan.

Suudaan ayaa ka cabanaysa in uu biyo yareeyay wabiga Niilka Buluugga ah xilli dowladda Itoobiyana ay sheegtay in ay u diyaargaroobeyso sidii ay uga hortegi lahayd fatahaado ku soo wajahan dalkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Maryam al-Saadiq al-Mahdi ayaa sheegtay in qabsoomidda kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlayo biyo xireenka Itoobioya ay tahay guul u soo hoyatay maadaama goluhu garwaaqsaday in ka hadalka arrintaasi tahay mid mudnaan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here