Wasiirka waxbarashada Kenya oo doonaya in la soo celiyo garaaca ardayda

0
359

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka waxbarashada Kenya, George Magoha, ayaa ku taliyay in dib loo soo celiyo ciqaabta ardayda loogu geysto iskuullada, si loo edbiyo.

Tiro iskuullo ah ayaa albaabada loo laabay kadib rabshado ay sameeyeen ardaydii dhiganeysay, waxaana ay laamaha ammaanka gacanta ku dhigeen tobanaan arday ah oo loo haysto inay ka dambeeyeen rabshadahaas.

“Indhaha kama qabsan doonno ardayda dembiyada gala, waana inaan ka hortagnaa inta aysan xaaladdu faraha ka bixin. Haddii ardaydu ay gubaan iskuulka ama wax xun ku kacaan, waxaa qasab ah in la garaaco, marka waxaa loo baahan yahay in macallimiinta awood loo siiyo inay ciqaabi karaan carruurta,” ayuu Professor Magoha ka sheegay deegaanka Kisii.

Hadalka wasiirka ayaa hareermarsan siyaasadda dowladda ee ku aaddan xuquuqda waxbarashada ee carruurta.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here