Wasiirka Wasaaradda howlaha guud oo daah furay shirka Ban-baxa Wasaaradda howlaha guud ee DFS

0
199

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wasiirka Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Mudane, Ismaaciil Cabdiraxmaan Shiikh Bashiir oo ay wehelinayaan Wasiir kuxigeenka Maxamed Cali Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda S/G, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa daah furay shirka Ban-baxa Wasaaradda howlaha guud ee DFS.

Shirka oo ay ka qayb galayaan Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, La taliyeyaasha iyo u qayb sanayaasha mashaariicda ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.

Waxaana looga wada hadli doonaa inta uu shirku socdo dar-dargalinta howlaha shaqo ee Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda, Dib u eegista mashaariicda, Kuwa aan u qabsoomin sidii loogu tala galay, Caqabadaha keentay Iyo sidii looga gudbi lahaa.

Ugu horayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Shiikh Bashiir ayaa ku bogaadiyey agaasimeyaasha Wasaaradda dedaalkooda ku aaddan kamira dhalinta shaqada Wasaaraddu ay u hayso dalka.

Waxa uu intaa ku daray in halkaas laga siiwado shaqada, ka Wasiir ahaanna ay ka go’antahay arintaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud S/G, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga baahanyahay Wasiirada, Agaasimaha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda isku duubni iyo wada shaqayn.

Wasiir kuxigeenka Maxamed Cali Maxamuud ayaa isaguna si lamid bogaadiyey shaqada culus ee ay hayaan hawl wadeenada Wasaaradda.

Gaba gabada shirka Ban-baxa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS ayaa laga soosaari doonaa qodobo muhiim u ah dar-dargalinta shaqda Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here