Wasiirka Ganacsiga XFS oo saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya

0
315

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo saaray 26-kii bishii 12-aad 2019 islamar ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.

Kulanka lagu saxiixayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxiixay sharcigaan ka dib, la hadlay warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax soo saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena uu yahay sharci horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Wasiirka sido kale tilmaamay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here