Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Madaxa UNIDO oo ay ka wada hadleen arrimo badan

0
426

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia.

Labada masuul waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo mashaariicda socda ee lagu horumarinayo Ganacsiga dalka.

Kulanka, waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay iska xog-waraysteen mashaariicda horumarinta ganacsiga ee dhinacyadu ka wada-shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin mashruuca horumarinta ganacsatada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya (EDU’s), mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka dalka (PSDP) iyo mashruuca kobcinta ganacsatada iyo abuurista xarumaha Ganacsiga ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here