Wasiir isaga oo cunigiisa dhabarka ku wata shir kaga qeybgalay

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasiirka waxbarashada dalka Sierra Leone ayaa kasoo muqday shir muuqaal ah isaga oo canugiisa oo 10 bilood dhalan ku wata dhabarka.

Waxay arrintani hadal heyn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Wasiirkan oo lagu magacaabo Moinina Sengeh wuxuu sheegay in tallaabadan uu uga dan lahaa in ay dhiirrigelin wanaagsan ay u noqoto ragga kale si ay u caawiyaan haweenka.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dhif ay tahay in la arko aabe canugiisa ku sita dhabarka.

Mr Sengeh ayaa jikada ku jiray xilliggii uu billaabanayay shirka oo ahaa mid muuqaal ah oo la isticmaalay barta Zoom, kaddibna wuxuu arkay caugiisa oo hurdaya.

Wuxuu go’aansaday inuu dhabarka ku sido isaga oo shirka ku jira.

Waxay arrintani fakar ku reebtay rag badan oo aan ilmahooda qaadi jirin, waxayna tusisay in ay ku dadaali karaan xannaaneyta carruurtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here