Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku dhawaaqday xiliga la qaadayo imtixaanka dugsiyadda dalka.

0
445

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Warsaxafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 11-ka bishan la bilaabi doono qaadista imitxaanka shahaadiga ee  fasalka 8-aad, sidoo kale imtixaanka shahaadiga ee  fasalka 12-aad la qaadi doono 18-ka bishan July.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in dugsiyadda dalka dib loo furi doono 15-ka bisha ogoosto 2020-ka, jamaacaddaha dalka ayaa sidoo kale la furi doona 5-ta bisha September 2020-ka, iyadoo la tixgelinayo talooyinka caafimaad ee ku saabsan ka hortaga cudurka karoona feyris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here