Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah.

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

 

       

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here