Wasaaradda Boostada oo ka hadashay kaalinta Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka ee Xilliga Coronavirus

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku ammaantay shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala dalka oo dhan sida is-xilqaanka leh ee ay gacan uga geysanayaan wacyi-gelinta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, shirkadaha isgaarsiinta qaarkood waxay hirgeliyeen adeegyo wax ka taraya wacyi-gelinta ay waddo dawladda, kuwaas oo kala ah lambarrada lacag la’aanta ah iyo farriimaha ay dadku dhageysanayaan marka ay wicitaan sameynayaan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona wacyiga dadkeena oo weli aad u hooseeya marka loo eego khatarta cudurkani leeyahay.

Wasaaradda oo soo dhoweysay tallabadaas, ayaa dhinaca kale tilmaantay in weli wax badan looga baahan yahay shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka bixiya, sida in wax laga qabto cabashada lambarrada gaaban ee ay adeegsadaan shaqaalaha Gurmadka iyo qiime-dhimis ku sameeyaan sicirka internet-ka si jaamacadaha iyo ardeyda wax ku baranaya online-ka ay uga faa’iideystaan xilligan ay xiran yihiin goobaha waxbarashada.

“Waxaan ku jirnaa waqti adag oo haddii aanan isku-duubni lagu wajihin dhibaato weyn noo geysan kara. Waa in cid walba ka fekerto kaalinta kaga aaddan cudurkan ha ahaato wacyi-gelin, qiimo-dhimista adeegyada, ama la-dagaallanka cudurka ee goobaha shaqada,” ayuu yiri wasiirka Wasaaradda, Md. Eng. Cabdi Cashuur oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay inay muhiim tahay in mar kastaba farriimaha wacyi-gelinta lala kaashado Guddiga Gurmadka Qaranka si loo hubiyo sax-ahaanshaha iyo isku-xirnaanta farriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here