Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Oo Hay,addaha Gargaarka ugu Baaqday in Loo Gurmado dadka Abaaruhu ay Saameeyeen.

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda gargaarka Soomaliya ayaa dirtay qeylodhaan ay ku codsanayso in lagu gargaaro 2.7 milyan oo qof oo wajahaya macaluul daran oo ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dhinacyada deeq bixiyeyaasha ah ugu baaqday in ay si degdeg ah uga soo jawaabaan qeylo dhaanta.

Roob yarida, saamayntii ay reebeen fatahaadihii hore, ayax xaalufiyay dalagyda badi dalka iyo faafitaanka xanuunka Covid-19 ayay wasaaddu sheegtay in ay xaalad halis ah u horseedday 2.7 milyan oo qof oo Soomaali ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in haddii ay deeq bixiyeyaashu ka dib dhacaan bixinta gargaarka ay dad badan oo Soomaaliyeed ay dhaxalsiin karto cawaaqib xumo daran.

Gobolka Gedo, maamulka Koofur Galbeed, GalMudug  iyo Buntilaan ayaa ka mid ah deegaannada ay cuuno yarida ka jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here