Wasaaradda Gargaarka KG Oo Ka Hadashay Qorshaha Wasaarada U Degsan Seddexda Sano Ee Soo Socota.

0
323

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Cabdinaasir Cabdi Caruush Wasiirka Wasaarada Arimaha Gargaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlada Goboleedka KGS ayaa Waxaa uu ka hadley qorshaha u degsan sedaxda sano ee soo socota ee Wasarada Gargaarka.

Wasiirka Wasarada Gargaar ayaa tilmaamey in Wasarada ay dejisey Barnaamij Wax tar u leh dhamaan bulshada reer KGS kaasi oo Wax looga qaban doona dhinacyada arimaha bani’aadanimo iyo sidoo kale Masiibooyinka ka dhaca dalka xiliyada qaar, gaar ahaan Degaanada Konfur Galbeed Soomaliya.

Warkan waxaa inoo haysa Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here