Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

0
281

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta kala diray rugta ganacsiga iyo Warshaha, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sababaha loo kala diray maamulka Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomalaiya ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegay in Wasiirka uu si ku meel gaar ah  u magacaabay guddi ka kooban Guddoomiye, labo ku-xigeen iyo 30 xubnood oo matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ah ayaa sii waddi doona shaqada rugta ganacsiga inta laga diyaarinayo hannaan doorasho muddo ku siman 60 cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here