Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay hab-raac dhanka safarka dullimaadyada ah

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Buslshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliyaa ayaa soo saartay go’aano iyo hab-raac la xiriira safarrada duuliimaadka dalka.

Iyadoo 30-kii Juun kulanka golaha Wasiirrada lagu go’aamiyay in 3-da Agoosto oo maanta ku beegan dib loo furo duullimaadyada dibada oo in muddo ah hakada ugu jiray COVID-19 owgii ayey Wasaaradda Caafiamaadka soo sartay qodobbadan lagu ilaalinayo caafimaad qabka bulshada iyadoo weli dunidu ay wajaheyso halista Korona feyras.

Qodobadda laga soo saaray safarrada duullimaad ee dalka iyo dibadda waxa ay kala yihiin:

1.Wasaarada Caafimaadka waxay adkaynaysaa in la ilaaliyo fayodhowrka guud ee goobaha safarka iyadoo la qaadanayo tilmaamaha caafimaad ee kahortaga caabuqa COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalka jeermis dile.

2.Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Mask) si loo yareeyo faafidda caabuqa COVID-19.

3.Waa in ay dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19 kana soo qaataan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (Negative COVID-19) ka hor 72 saacadood inta aysan safrin.

4.Xogta qof walba oo dhoofaya waxaa lagu diiwaan galin doonaa hanaanka xogta shaybaarka waxaana ladhigayaa nidaam laga hubiyo xogtiisa dhammaan garoomada laga dhoofo si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha cadeynta barista COVID-19 ee uu wato qofka safraya.

5.Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha kahortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo faya-qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka
6.Qof walba oo dhoofaya ama safraya waa inuu yimado garoonka uu ka dhoofayo 3 dex saacadood kahor duullimaadkiisa si u maro hubinta caafimaadka iyo amniga.

7.Waa in dadka imaanaya dalka guud ahaan ay iska soo baaraan xanuunka COVID-19 soona qaataan warqada cadaynta baarista ah oo soo baxday muddo 96 saacadood gudohood ah.

8.qof safraya oo aan wadanin warqada caddaynta baaritaanka COVID-19 ee yimaado dalka waxa uu mari doonaa karantiil inta laga xaqijinayo caafimaadkiisa iyadoo lamarsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19.

9.Arrimaha la xiriira kala badalka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UN-ka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu NV/2020/065 si loo ilaaliyo caafimaadka guud dalka, loona yareeyo culeyska Airport Adden Cadde International.

10.Dhammaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh arrimaha hawlaha gegida diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duullimaayada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah lagana taxadaro codurka COVID-19.

11.Wasaaradda caafimaadka waxey diyaar u tahay in ay fududeeso helitaanka adeegga baarista COVID-19 iyadoo diyaarisay goobo loo asteeyay oo heesta ogolaanshiyaha sameynta barista iyo bixinta caddeymaha COVID-19 la’aan (Negative). Sida Hoos kucad.

Goobaha Loo diyaariyay Baaritaanka oo ay xustay Wasaaradda waxaa kamid ah:

1 Benaadir Muqdisho Shaybaaraka Dhexe ee Qaranka
2 Buntilaan Boosaaso Shaybaaraka Boosaaso
3 Garoowe Shaybaaraka Garoowe
4 Jubblaan Kismaayo Shaybaaraka Kismaayo
5 Balad-Xaawo Shaybaaraka Balad-Xaawo
6 Koonfur Galbeed Baydhabo Shaybaaraka Baydhabo
7 Hirshabeelle Jawhar Shaybaaraka Jawhar
8 Galmudug Dusamareb Shaybaaraka Dusamareb
9 Soomaalilaan Hargeysa Shaybaaraka Hargeysa
10 Soomaalilaan Burco Shaybaaraka Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here