Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 36 Qof Oo Cusub laga diiwaan geliyay Feyruska Karoona ee gudaha dalka

0
420

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay maanta diiwaan geliyeen 36 qof oo cusub, sidoo kale ay wasaaradu sheegtay in dad ay ka bogsadeen cudurka

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in dadka la diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ay kala joogaan Somaliland 13 iyo Galmudug 1, koonfur galbeed 10 jubaland 8 banaadir 4 kiis taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,452

Bukaannada cusub 30 kamid ah waa rag, 6 kale-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxba uma geeriyoon COVID19, waxaana tirada guud dadka horey ugu dhintay cudurka ay gaareysaa 85 qof waxaana sidoo kale guud ahaan cudurka ka bogsaday 506qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here