Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Corona virus ah.

0
297

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here