Wasaaradda Caafimaadka KG Oo daawooyin ku wareejisay shaqalaaha Marwo Caafimaad ee ka howlgala Degmada Xudur.

0
140

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dawadaan oo loogu talagalay in lagu daweeyo bukaanada u baahan ee shaqaalaaha marwo caafimaad ay ku booqdaan guryahooda ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka DGKGS iyo Hay’adda Caalamiga ee PSI oo ka wada shaqeeya mashruucan Marwo Caafimaad.

Goobta daawada lagu wareejinayay oo aheyd xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa Caafimaadka Degmada Xudur Xuseen Diyaad Maxamed, Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bakool Mustaf Maxamed Axmed iyo wakiilo ka socday Hay’adda PSI.

Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa shaqaalaha Marwo Caafimaad kula dardaarmay in waajibaadkooda u gutaan si xirfadaysan oo daacadnimo ku jirta, daawada lagu wareejiyayna loogu talagalay in bulshada u baahan ay gaarsiiyaan muddo bil ah, iyadoo lagula dardaarmay sida caadiga ah bukaankii ay ku arkaan xanuun saa’id ah ama u baahan dhakhtar iyo dawo ka baxsan tan iyagu hayaan in ay u soo gudbiyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan adeeg caafimaad oo dheeraad ah.

Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bakool ayaa hay’ada PSI uga mahadnaqay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa fulinta mashruucan iyo dawada ay kala wareegeen isagoo dhinaca kale sheegay in shaqaalaha Marwo Caafimaad loo tababaray qaabka ay daawada u bixinayaan iyo cida ay siinayaan aqoontoodana lagu kalsoon yahay, bulshadana ayuu kula dardaarmay in ay ka faa’iieystaan adeegyada ay bixinayaan shaqaalaha Marwo Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here