Wasaarada Waxbarashada KG Oo La wareegtey Dugsiga Aala Yaasir Degmada Afgooye

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo heer Gobol iyo Degmo ayaa tagay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Aala Yaasir, degmada Afgooye Ayaga oo fulinaya go’aankii Wasaaradda Waxbarashada KGS ayay ku wareejiyeen Dugsiga Macalimiinta Dowladda ay ugu talagashay inay ka howlgalaan Dugsiga si Waxbarasho lacag la’aan ah ay u helaan caruurta Soomaaliyeed ee ku Nool degmada Afgooye.

Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa Maamulka Dugsiga, Guddiga Waalidiinta iyo qaar ka mida Macallimiinta ayaga oo si buuxda u soo dhoweeyay fulinta qorshaha Dowladda ee ah in dib loogu celiyo maamulka Dugsiga gacanta Dowladda.

Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here