Wasaarada Awqaafta KG Oo Gudiyada Masaajida Baydhabo kala hadashay Mideynta Khudbadaha Jimcada

0
23

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulankan dhax marey Guddiga Masaajidka Dabaqeenka iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS Nur Sidow Baba, oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Agaasmiha guud ee Wasaaradda waxaana Guddiga warbixin dheer ka siiyey Masuuliyiinta Wasaaradda howlaha ay qabteen wixii suuragalay iyo kuwo hadda ay gacanta ku haayaan.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS Nur Siidow Baba oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in Masaajidada lagu sameynayo isbedelo lagu Horumarinayo, mideynta Khudbadaha Jimcaha iyo Xiliyada Salaadaha iyo sidii Imaamyada iyo Mu,adiniinta la siin doono Tababaro la xariira shaqada ay umada u hayaan.

Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’edy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here