Wasaaadda Caafimaadka Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Kororka Corona virus 24-kii Saac ee la Soo dhaafay.

0
391

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda fedraalka dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haweenyihiin.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Halakn Hoose ka Dhageyso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here