Wareejinta Yaxaasyo kun gaaraya oo dood ka dhalisay Hindiya

0
144

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xarun lagu xanaaneeyo Yaxaasyada oo ku taal dalka Hindiya, ayaa ku guda jirta wareejinta 1,000 yaxaas, oo lagu wareejinayo beer xayawaan, oo ku taalla meel u jirta 1,931km (1,200 mayl) – waxaana iska leh bilyaneer Mukesh Ambani.

Sannadkii hore maamulka xayawaanaadka ee Hindiya, ayaa ansixiyay wareejinta yaxaasyada mugga leh, ee ku jira xarunta Madras Crocodile Bank Trust, ee ku taalla koonfurta Tamil Nadu, loona wareejiyo Xarunta Badbaadinta Xayawaanka ee Greens Zoological, ee ku taalla galbeedka Gujarat.

Ilaa 300 oo yaxaas, ayaa loo raray Gujarat ilaa haatan.

Saraakiisha xarunta taranka ee 8.5 acre, ayaa sheegay in yaxaasyada la rarayo, iyadoo buux dhaafista xaruntoodii hore ay horseeday iney is dagaalaan yaxaasyadani.

“Sababo tirada yaxaasyada oo badatey, boqollaal ukun oo yaxaasyadu dhaleen ayaa la burburiyaa sannad kasta,” ayuu yiri Nikhil Whitaker, oo ah maamulaha xarunta ku taalla magaalada Chennai.

“Go’aanka lagu wareejinayo yaxaasyada waxaa loo qaatay iney helaan goob ka wanaagsan xarunta ay haatan ku leeyihiin marka loo eego,” ayuu raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here