Xuska Maalinta Shinida Aduunka Oo Maanta ku Beegan.

0
165

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sanad Walba 20ka May waxaa dunida laga xusaa Maalinta Shinnida Aduunka, iyadoo kor loogu qaadayo wacyiga muhiimka ah ee shinnida iyo kuwa kale ee wax-soo-saarka dhirta ka ciyaara ilaalinta caafimaadka dadka iyo meeraha, iyo caqabadaha badan ee maanta ay wajahayaan.

Maalintani ayaa waxay fursad siisaa dhammaan dawladaha, ururada ama bulshada rayidka ah – si kor loogu qaado ficilada ilaalin doona wax soo saarka Shinida ,Deegaanka, iyo taageeridda horumarka waara ee dhaqashada Shinnida.

Arintan ayaa muujineysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta Shinnida gaar ahaan iyadoo loo marayo hab-dhaqannada wax-soo-saarka beeraha, waxaana sanadkan 2023da hal ku dhig u ah xuskan #Babaadi Shinida.

Warbyhingtung Waliba nig haaye Abdyraamnag Yusuf Hasyng

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here