Warbixin Ku Saabsan Xuska Maalinta Deegaameynta Aduunka Oo Maanta ku beegan.

0
73

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maalinta deegaameynta Aadduunka ayaa la xusaa maalinta Isniinta ee ugu horreysa bisha Oktoobar sannad kasta,waxaana Qaramada Midoobay u aqoonsatay inay ka tarjumeyso xaaladda magaalooyinka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dhammaan inay helaan hoy ku filan.Maalintan ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu xasuusiyo adduunka in qofkastaa uu leeyahay awood iyo mas’uuliyadda qaabaynta mustaqbalka magaalooyinka .

Maalinta deegaameynta Aadduunka ayaa markii ugu horreysay laga xusay 1986-kii magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkudhigga sanadkaas la doortayna wuxuu ahaa “Hoyga waa xuquuqdeyda.Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in tani ay noqoto dhacdo sanadle ah waxaana la doortay Isniinta ugu horreysa ee Oktoobar.

Maalintan ayaa laga xusay wadamo badan oo caalamka ah, waxaana la soo agaasimay hawlo kala duwan oo lagu eegayo dhibaatooyinka ay leedahay magaalaynta xawliga ah iyo saamaynta ay ku leedahay deegaanka iyo saboolnimada dadka.

UN Habitat waxaysi cad u qeexday baahida loo qabo in la qorsheeyo magaalooyinka si looga fogaado horumarka fowdada ah ee fidinta magaalooyinka iyo dhammaan dhibaatooyinka la xiriiraee ka dhalan kara.

Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here