Warbixin Ku Saabsan Saameynta ay Isbedelka cimilada ku leedahay Fatahaada Roobka.

0
75

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dhammaan adduunyada waxaa saameyn weyn ku yeeshay isbedelka cimilida oo maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa, welina, bulshada dunida wadaan dadaallo ku aaddan wax-ka qabashada dhimmista heerkulka siyaadaaya ee wata aafooyinka dabiiciga ah.

Isbedelka cimilada maanta ma aysan bilaabannin, balse, dunida ayaa iminka ku baraarugtay. Hayeeshee, tan iyo markii ay dunidu ku tallaabsatay horumarka dhanka warshadaha, waxay la yimaaddeen dhibtooda oo ay ugu weyn yihiin qiiqa faraha badan ee ay warshadahaasi ku darayaan hawada oo lagu daray milanka barafka ee ka imaanaya cirifka woqooyi ee dhulka, xaalufinta deegaanka oo laga jarayo dhirta, taasoo loo isticmaalo soo saarista duxusha kuwaasoo dhammaantood loo aanneeyo in ay yihiin udub-dhexaadka dhibaatooyinka is bedelka cimilada.

Haddaba, Soomaaliya oo ka mid ah waddammada soo koraaya ama loogu yeero dunida saddexaad oo ay dadkeeduna yihiin tabcato iyo xoolo dhaqato ayey durba taabatay saameynta is bedlka cimilada.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here