Warbixin ku saabsan Maxay Haweenka Somaliyeed uga Dhigantahay 8 Maarso Maalinta Haweenka Somaliyeed.

0
279

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waxaa looga dabaaldegaa adduunka 8 Maarso sannad kasta Meelo kala duwan oo adduunka Ka Mid ah ayaa dabaaldegyadu waxay ay Yihin dabaaldiyo guud ee ixtiraamka qadarinta iyo jacaylka Ee haweenka.

Haweenku waxay taagan yihiin safka hore ee dhibaatada COVID-19, sida shaqaale daryeel caafimaad, daryeel bixiyeyaal, hal abuureyaal, abaabulayaasha bulshada iyo in ay yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu caansan uguna waxtarka badan ee la dagaallanka aafada Howshaan ay hayaan ayaa muujisay in yihiin kuwa udub dhexaad u ah tabarucaadka iyo culeysyada aan dheelitirnayn ee Ay haweenku qaadaan.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waa wakhti lagu milicsado horumarka la sameeyay, loogu baaqo isbeddel iyo in loo dabaaldego ficillada geesinimada iyo go’aan qaadashada ee haweenka kuwaas oo kaalin aan caadi ahayn ka soo qaatay taariikhda dalalkooda iyo bulshooyinkooda.

Adduunku wuxuu ku talaabsaday horumar aan horay loo arag, laakiin ma jiro waddan gaarey sinnaanta ragga iyo dumarka.

Hadab Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Waxaan aan Wax Ka Weydiiney Waxyaabaha ay Haweenka Soomaliyeed Uga Dhiganta Maalintaan.

Dhanka Kale Asma Maxamed Isaaq Oo Ka Mid ah Howlwadeenada Wasarada Haweenka Xaquuqal Insaanka Iyo Arimaha Qoyska KGS ayaa Ka Hadashey Muhiimada Maalintaan.

Uga Daneyntii Qaar Ka Mid ah Haweenka Ku Nool Magalada Baydhabo ayaa Ka Hadley Sidey u arkaan Maalintaan Iyo Aqabadaha Inta Badan Ka Jira Arimaha Haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here