Warbixin Ku Saabsan Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed Oo Maanta ku Beegan

0
580

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Macalimiinta Soomaaliyeed waxaa ay u dulqaateen mudo dhowr iyo 30 sano ah oo uu dalku burbursanaa iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, intii uu dalku burburka ka jiray macalimiinta Soomaaliyeed hadii aysan ku diiran waxaa Qatar gali lahaa  ardayda Soomaaliyeed waxaa ayna qatb weyn ka qaateen in ay bad baadiyaan mustaqbalka umadda soomaaliyeeed iyo horumarka maanta dalka ka jira.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxaa isku xiray oo isku soo dhoweeyay dhamaan Ummaddaha dunida waa waxbarashada, waana taas mida ay u taaganyihiin Macalimiinta Soomaaliyeed.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadeen, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinteen islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.

Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here