Warbixin Ku Saabsan Maalinta Cagaarshowga Adduunka Oo Maanta ku beegan.

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo, waa fursad lagu dardargelinayo dadaallada heer qaran iyo heer caalami ee ku saabsan cagaarshowga, dhiirigelinta ficillada iyo ka-qaybgalka shakhsiyaadka, la-hawlgalayaasha iyo dadweynaha iyo in la muujiyo baahida loo qabo jawaab-celin caalami ah oo weyn sida lagu qeexay warbixinta cagaarshowga caalamiga ah ee WHO ee 2017.

Taariikhda 28 Luulyo ayaa la doortay sababtoo ah waa dhalashadii saynisyahanka ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize Dr Baruch Blumberg, kaas oo helay fayraska cagaarshow B (HBV) oo sameeyay baaritaan ogaanshaha iyo tallaalka fayraska.

Sannad kasta 28-ka Luulyo, dadka adduunka oo dhan ayaa u dabaaldega maalinta Cagaarshowga Adduunka iyadoo lagu sharfay dhalashadii Dr. Baruch Blumberg. Dr. Blumberg waxa uu helay fayraska cagaarshow B 1967dii ka dibna waxa uu sameeyay tallaalka cagaarshow B laba sano ka dib.

Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka oo la xusay 28-ka Luulyo, ayaa kor u qaadaysa wacyiga cagaarshowga fayraska, caabuqa beerka oo sababa cudur beerka ah oo daran iyo kansar. Mawduuca sanadkan waa: Waa waqtigii ficilka.

Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Yusuf Hasyng

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here