Warbaahinta dawladda Ruushka oo laga xadiday isticmaalka Youtube-ka

0
370

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Shirkadda Alphabet ee leh Youtube-ka ayaa sheegtay in ay joojin doonto lacagta ay warbaahinta Ruushka ka helaan xayesysiimaha ay youtube-ka ku sameeyaan.

Taas macnaheedu waxay ka dhignthay in Russia Today (RT) iyo kanaalada kale aysan heli doonin lacagaha xayeysiisyada YouTube ama shabakadaha iyo apps-ka ay maamusho Shirkadda Alphabet.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in xarumahan hadda ka dib iibsan karin xayeysiisyada Google Tools, sidoo kale xayeysiisyada aysan ku dhejin karin adeegyada Google ay isticmaalaan tignoolajiyadeeda xayeysiiska si ay dakhli uga soo saaraan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii wasiirka horumarinta teknoolajiyada ee Ukraine Mykhailo Fedorov uu sheegay inuu ka codsaday YouTube inuu joojiyo dacaayadda Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here