War Cusub Oo Kasoo Kordhay Mustaqbalka Kylian Mbappe

0
76
  1. Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)7War cusub ayaa kasoo kordhay mustaqbalka xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegay in kooxdiisa PSG ay ogolaatay inay ka iibiso Al-Hilal oo dalab €300 milyan oo Euro ah kasoo gudbisay, halka ciyaartoyganna ay usoo bandhigtay dalab uu sannadkii ku helayo lacag dhan €700 milyan oo Euro.
  2. Kylian Mbappe ayaa la sheegay in uu go’aan ka gaadhay dalabka Al-Hilal ee lacagta waallida ah uu ku helayo, waxaana uu si cad ugu sheegay kooxda reer Sucuudi Carabiya in aanu tegaynin waqtigan Bariga dhexe.
  3. Sida ay sheegtay warbaahinta waddanka Spain Kylian Mbappe ayaa waxa uu sheegay in kaliya uu tegayo isla markaana uu doonayo inuu u ciyaaro ay tahay Real Madrid oo ah riyadiisii carruurnimada, taas oo meesha ka saaraysa damaca kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal oo horena ugu hungowday Lionel Messi oo ay si weyn u doonaysay.
  4. Wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain oo soo xiganayay qof ka agdhow Mbappe, ayaa waxa uu sheegay in dalabka waqtigan ee kooxda Al-Hilal aanu ahayn mid ku habboon oo uu doonayo inuu sii joogo Yurub, si uu u gaadho hammigiisa ah inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
  5. Warkan ayaa waxa uu niyad-jab ku yahay PSG oo haddii uu ku adkaysto laacibkani arrintaas waayi doonta €300 milyan oo Euro, waxayna ku qasbanaan doonaan inay ka iibiyaan Real Madrid oo aan diyaar u ahayn inay xiddigan ka bixiso lacag intaas le’eg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here