War cusub oo ka soo baxaya mustaqbalka Paul Pogba ee kooxda Manchester United

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida ay shaaca ka qaadeen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa gudaha England waxaa war cusub uu ka soo baxayaa xiriirka u dhexeeya kooxda Manchester United iyo laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, kaasoo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho mustaqbalka ciyaaryahanka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England go’aanka uu kaga tagayo Paul Pogba garoonka Old Trafford ayaa ah mid mar hore la qaatay, kahor inta uusan wakiilkiisa Mino Raiola dhawaan ka dhawaajiyay hadalo muran badan dhaliyay ee ku saabsan mustaqbalkiisa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Manchester United ay ogolaan doonto in Pogba uu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford xagaaga soo socda, haddii ay ku heleyso qiimo ku kacaya 130 milyan oo ginni.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in saraakiisha Red Devils ay qorsheynayaan inay u adeegsadaan lacgta kaga soo xaroota iibka Pogba inay kula soo saxiixdaan xiddigaha Jack Grealish iyo James Maddison.

Waxaa xusid mudan in Mino Raiola uu sheegay inuu kala hadlayo saraakiisha Juventus arrimaha Paul Pogba, iyo in ciyaaryahanka uu go’aansan doono mustaqbalkiisa kaddib koobka Euro 2020.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here