Waqtiga uu billaaban doono wada hadalka heshiis kordhinta ee kooxda Barcelona iyo Lionel Messi oo la baahiyay

0
375

Baydhabo(Radio Arlaadi)- -Lionel Messi ayaa wada xaajood heshiis kordhin ah la yeellan doono kooxda Barcelona, iyadoo hal sano ay ka harsan tahay qandaraaska uu hadda kula jiro kooxda reer Spain.

Halyeyga Barca ayaa kooxdiisa kula jira heshiis dhacaya 2021, balse waxaa heshiiskaas qayb ka ahaa inu si xor ah kaga tagi karo haddii uu kooxda ogeysiiyo inuu doonayo faarujinta garoonka Camp Nou, hase ahaatee, qaybtaas heshiiska ka mid ah ayaa waqtigeedii uu dhacay, maaddaama uusan Barcelona ku war gelinin rabitaan ku aaddan bixitaankiisa.

Waxaa lagu soo warramayaa in difaacdayaasha La Liga ay dib ugu dhigeen wada hadalladan sababo kala duwan, balse ujeedkooda uusann ahayn inay ka war sugaan inuu dhammaado heshiiska u ogolaanayay inuu bilaash kaga tagi karo Camp Nou.

Idaacadda Spain laga dhageysto ee Cope ayaa baahisay in bishan gudaheeda ay billaabanayaan wada hadallada La Pulga iyo Barcelona, iyadoo si horudhac ay isu arki doonaan labada dhinac maalmaha soo aaddan.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in kabtanka Argentina uu doonayo in heshiiska cusub ee uu saxiixayo lagu daro mid la mid ah heshiiskii hore, kaasoo u ogolaanaya in xagaa cayiman uu si xor ah kaga tagi karo kooxda haddii uu isaga doono ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin.

Weeraryahankan 32-jirka ayaa heshiiska uu hadda kula jiro Blaugrana saxiixay sanadkii 2017, waxaana ka hor bishan Juune socday hadal heyn badan oo shaki galineysay mustaqbalkiisa, maadaama ay furnayd fursad uu bilaash kaga tagi karay kooxdiisa ka hor inta aysan bishan curan.

Balse Lionel Messi ayaa ahaa mid mar walba farxad galinayay taageerayaasha kooxdiisa maaddaama uu dhowr jeer kusoo cel-celiyay jaceylkiisa ah inuu xirfaddiisa kusoo af jaro kooxda Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Barcelona ayaa heshiiskiisii ugu horreeyay ee rasmi ah u saxiixay kooxda reer Spain sanadkii 2005, waxaana tan iyo markiis uu saxiixay siddeed heshiis kordhin.

Messi waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciyaaryahankii ugu weynaa ee soo mara taariikhda Barca isagoo kula guuleystay 34 koob oo ay ku jiraan toban La Liga iyo afar Champions League muddada 16-ka xilli ciyaareed ah ee uu xiran yahay maaliyadda ka sameysan midabbada casaanka iyo baluugga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here