Wakiilka Ronaldo Oo Wadahadallo La Bilaabay Koox Doneysa Saxiixa CR7

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ka dib markii Champion-ka ay ka hareen , waxaa sii xogeysanaya shakiga la gilinayo mustaqbalka Roanldo ee kooxda Juventus kuwaasi oo ku haray waregga 16-ka

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ronaldo uu wakiilkiisa Jorge Mendes siiyay ogalaasho ah in uu dhageysto dalabyada lagu doonayo saxiixiisa

Wargeysyada Le 10 Sport iyo Foot Mercato ayaa laga soo xiganayaa in wakiilka Ronaldo uu durba wadhaadallo la bilaabay PSG kuwaasi oo dhamkooda doonaya saxiixiisa waliba uu la kulmay agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo Araújo.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli madaxa kooxda Juvemtus uu shaaciyay ka dib kulankii Lyon in aysan wax ka jirrin wararka sheegaya in Ronaldo uu PSG aadayo ayna yihiin kuwo la soo dhoodhoobay waliba uu ku kalsoon yahay in uu sii joogayo.

Ronaldo ayaa la kulmay dhaleeceyn maadaama xilli ciyaareedkii labaad uu ku fashilmayo in Juve uu dhaafsiiyo wareegga 16-ka

Maamulka juventus oo si weyn uga carooday qaabkii ay uga hareen Champion-ka waxa ay dhankooda xilka ka qaadeen tababare Sarri iyaga oo ku badalay laacibkoodii hore ee Pirlo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here