Wakiilka Gareth Bale Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Xiddigu Doonayo In Uu Kaga Biiro Premier League.

0
250

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa la xaqiijiyay in uu doonayo ku laabashada kooxda Tottenham halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man United sida uu sheegayo wakiilka xiddigu.

Jonathan Barnett oo ah wakiilka Gareth Bale ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay rabitaanka xiddiga reer Wales oo ka tagi kara Real Madrid xagaagan.

“Waxa aan wadahadalo kula jirnaa Tottenham”ayuu wakiilkiisu u sheegay BBC.

“Wali wuu jecelyahay Spurs”.

“Waa kooxda uu doonayo in uu ku biiro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man United kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga reer Wales inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Solskjaer ayaa Bale u doonayay badalka Jadon Sancho oo ay ku adkaatay in ay hesho kooxdiisu sabab la xidhiidha qiimihiisa oo aad u sareeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here