Wakhtiga Ay Real Madrid Go’aanka Ka Soo Saarayso Mustaqbalka Sergio Ramos Oo La Ogaaday.

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba si cad uga hadli doonaan mustaqbalka kabtanka kooxda bilowga isbuuca soo socda.

Heshiiska Ramos ee haatan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si loo hadal hayay mustaqbalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda reer America ee Inter Miami.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis 2 sano ah u soo bandhigi doonto xiddiga 34 jirka ah xilli uu xiddigu wali muhiim ka yahay qorshaha Zidane.

Wargayska AS ayaa sheegaya in Perez iyo Ramos ay Isniinta la hadli doonaan saxaafada iyada oo la filayo in lagu dhawaaqi doono heshiiska cusub ee daafaca.

Xiddigii hore ee Sevilla ayaa dhaliyay 100 gool 660 kulan oo uu u ciyaaray Real Madrid isaga oo 11 dhaliyay 35 kulan oo uu xilli ciyaareedkii hore ciyaaray La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here