Wakhtiga Ay Chelsea Ku Dhawaaqayso Badalka Pochettino Oo La Ogaaday

0
42

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Kooxda Chelsea ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa badalka Pochettino.

Saxafiga Fabrizo Romano ayaa sheegay in ay Chelsea maanta ku dhawaaqi doonto saxiixa tababaraha cusub ee Enzo Maresca.

Romano ayaa sheegay in Enzo Maresca uu qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 ah Iyo waliba hal sano oo dheeri ah.

Leicester City ayaa heli doonta lacag dhan 10 milyan oo magdhaw ah si ay u fasaxdo tababare Enzo Maresca.

Tababare Enzo Maresca ayaa noqon doona tababarihii 3-aad ee koox cusub ee ilaa haatan la xaqiijiyo suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here