Waddooyinka Addis Ababa oo maanta la buufiyey

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waddooyinka ugu waaweyn magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu buufiyey sunta disha waxyaabaha il ma aragtada ah uu faayrska ka mid yahay si looga hortago faafitaanka faayrsaka Covid-19.

Tallaabbadan oo uu maamulka magaalada Addis Ababa uu u qaaday ka qayb qaadashada dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus ee gaaray dalka Itoobiya.
Muddo saacadaha ah maanta gelinki hore waxaa xirnaa dhammaan waddooyinka waaweyn ee caasimadda dalka Itoobiya.

Itoobiya waxaa maanta laga helay 3 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus, dadka cudurka laga helayna ay yihiin dhammaantood Itoobiyaan laba ka mid ahna ay yihiin xubno hal qoys ka wada tirsan.

Wasaaradda caafimaadka dalkaasi waxay sheegtay tirada dadka laga helay cudurka iney gaartay 19.
Ilaa iyo haddana cudurka waxaa ka bogsaday hal qof laba qof oo u dhalatay dalka Japan dalkooda ayey dib ugu laabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here