Waa tee kooxda sugeysa in uu Ronaldo kusoo biiro ka hor dhammaadka Sanadkan?

0
166

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda ka dhisan dalka Sucuudiga ee Al -Nasar ayaa ku rajo weyn in uu kusoo biiro weeraryahanka 37-ka ah ee u dhashay Bortuqiiska Cristiano Ronaldo ka hor dhammaadka sanadkan.

 

Haddii Ronaldo uu ku biiro kooxdaas wuxuu la saeexaan karaa heshiis laba iyo bar sana ah kaasoo qiimahiisu uu ku kici karo £174m lacagta giniga ah- (Marca – in Spanish)

Weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Arsenal Gabriel Martinelli oo 21 jir ah ayaa lagu wadaa in kooxdiisa uu la galo heshiis uu toddobaadkii ku qaadanayo £200,000 gini- (Mail).

Kooxda heysta horyaalka Faransiiska Paris St-Germain ayaa dooneysaa in kooxda uu sii joogo gool-dhaliyaha u dhashay Argentina Lionel Messi, ninkan oo haatan ku guuleystay Koobka Adduunka wuxuu qaddaraaskii ku eegaa xilli ciyaareedka dambe, wuxuuna xor u yahay in uu wahadallo la yeesho kooxaha kale ee ka dhisan dibadda Meesha lagu gaaro 1-da bisha January- (Mail).

Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa baadigoobayaa Alexis Mac Allister oo haatan Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka isla markaana ka dheela khadka dhex- (AS – in Spanish).

Kooxda Manchester United waa inay kooxda ka dhisan Bortuqiiska ee Porto siisaa lacag gaareysa £65m waa haddii ay doonayaan inay kasoo iibsadaan ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan goolhayaha kooxdaas Diogo Costa-  (Correio da Manha – in Portuguese).

Daafaca Croatia Josko Gvardiol, oo 20 jir ah ayaa u muuqdaa in xilli ciyaareedkan uu sii joogi doono kooxdiisa RB Leipzig iyadoo qiimaha lagu jebin karo qanddaraaskiisa uu kula joogo kooxdaas uu ku eg yahay 2024-ka kaasoo qiimahiisu uu gaarayo £96m lacagta giniga ah- (Sky Sports).

Arsenal waxay daneyneysaa inay lasoo wareegto Mykhaylo Mudryk, oo Ukraine garbaha ka dheela 21 jir ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, sida laga soo xigtay agaasimaha sboortiga ee kooxdiisa ee Shakhtar Donetsk (Football 365).

Goolhayaha reer Mexico Guillermo Ochoa oo 37 jir ah ayaa lagu wadaa in si bilaash ah uu ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Talyaaniga ee Salernitana kadib uu ka dhammaaday qandaraaskii uu kula joogay Club America-  (Sky Sports Italia – in Italian).

Inter Milan ayaa wadahadallo la furatay daafaca u dhashay Talyaaniga Alessandro Bastoni si uu saxeexo heshiis cusub iyadoo ay daneynayaan kooxaha Manchester City iyo Tottenham- (La Gazzetta Dello Sport – in Italian).

Ciyaaryahanka xulka qaranka Argentina Rodrigo De Paul, oo 28 jir ah ayaa qarka u saarnaa in u uku biiro Leeds ka hor inta uusan horey ugu biirin Atletico Madrid. (TalkSPORT).

Weeraryahanka kooxda Blackburn iyo xulka Chile, Ben Brereton Diaz, oo 23 jir ah ayaa u muuqdaa in uu sii joogi doono kooxda Ewood Park bisha January isla markaana uu u furan yahay dhookha ah si bilaash uu kooxda kaga tego xilli ciyaareedkan- (Football League World)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here