Waa Maxay Sababtii Ay Liverpool Ugu Aadi Wayday Villarreal, Ma Khalad Kale Ayaa Dhacay?

0
239

Taageerayaal badan oo Liverpool ah iyo taageerayaal kale ayaa la yaabay markii ay maqleen daadihiyaha oo sheegaya in Reds aysan wajihi karin Villarreal wareega 16ka Champions League inta lagu guda jiro isku aadka tartanka.

Kooxda Liverpool ayaa xaq u lahayd in ay ku aado Villarreal wareega 16-ka champions league halkii ay ku aaday Kooxda Inter Milan oo shaki la’aan ka adag kooxda Villarreal.

Laakiin Xaqiiqada ayaa ah in Warqada Villarreal la soo saaray iyada oo ay kaliya hadhsanyihiin Inter Milan iyo PSG oo kaalinta 2-aad kaga soo baxay Group-kooda iyo Liverpool, Real Madrid iyo Juventus oo kaalinta 1-aad ku soo baxay.

Inter Milan ayaan wajihi karin Juventus maadama ay labadooduba isku dal ka dhisanyiiin sidoo kale Inter iyo Real ayaa isku Group ahaa halka ayna Villarreal iyo Real Madrid iska hor iman karin.

Sidaas darteed Liverpool ayaa ahayd dookha kaliya ee lagu aadin karo kooxda Inter Milan si loo kala badbaadiyo Villreal, Inter, Real madrid iyo Juventus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here