Waa maxay astaamaha caabuqa Karona sideedse uga gaashaaman kartaa?

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Feyraska Korona ayaa markii ugu horreysay dabayaaqadii sanadkii tagay ka dillaacay dalka Shiinaha kaa oo markii dambe ku fiday in ka badan 145 dal sababayna geerida dad tiradoodu ka badantahay 6400 oo ruux.

Haddaba waa maxay xanuunkani sideedse naftaada uga ilaalin kartaa?

Waa maxay astaamaha xanuunka?

Dhakhaatiirta ayaa hoosta ka xarriiqay in soo ifbixidda xanuunka ay qaadanayso ugu yaraan shan casho iyada oo astaamaha ugu horreeya ee lagu gartaana ay ka mid tahay qandhada(xumad) uu ku lammaanyahay qufac qallalan.

Todobaad kaddib ayay dhakhaatiirtu sheegeen in bukaanka ay ku adkaaneyso neefsashada taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in uu tago isbitaalka si uu u helo daryeel caafimaad.

Hindhisada iyo dareeraha sanka inta badan ka mid ma aha astaaha feyraska Karona haddii aad hindhiso badan ama dareere badan isku aragto macnaheeda ma aha in aad qabto xanuunka.

Marka feyraska Karona uu ku baaho jirka bukaanka waxaa uu dareemaa caabuq xoog badan oo ka haleela neef mareenka iyo in ay sii tabar dhigayaan xubnaha kale ee jirka ugu dambaynna uu bukaanku geeriyoodo.

Dadka da’da ah iyo kuwa qaba xanuunnada aan laga bogsan sida macaanka iyo wadno xanuunka waa kuwa ugu badan ee u nugul in uu haleelo feyraska.

Dadka laga baqdin qabo in ay dadka kale u gudbiyaan feyraska ayay dhakhaatiirtu kula taliyaan in muddo 14 cisho ah la karantiilo si loo hubiyo xaaladdiisa caafimaad.

Sideen uga gaashaaman karaa feyraska?

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in joogteynta dhaqidda gacmaha(faraxalka) ay muhimad weyn u leedahay la dagaallanka feyraska Karona.

WHO waxa ay ku talisay in qof walba uu masuuliyad iska saaro nadaafaddiisa shakhsiyadeed raacana tallaabooyinkan

– U dhaq(meyr)gacmahaaga si wanaagsan haddii aad heleysana saabuuntu wey ku wanaagsantahay la dagaallanka feyraska.

– Dabool afkaaga iyo sankaaga marka aad hindhiseyso kaddib dhaq gacmahaaga.

– Ka taxaddar in aad taabato indhahaaga, sankaaga iyo afkaag.

– Ha u dhawaanin dadka qufacaya amaba hindhisaya ama kuwa ay xumaddu hayso una jirso ugu yaraan hal mitir.

Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diiwaan gelisay kiiskii ugu horreeyay ee bukaan qaba feyraska Karona , haddaba bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago halista feyraskan safmarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here