Waa kuwee Horyaalada Lacagta Ugu Badan Galiyay Suuqii Xagaaga?

0
424

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xanuunka Korona ayaa saameeyay Dhaqaalaha kubada cagta laakiin horyaalka premier League ayaa u muuqda mid lacag waali ah suuqa galiyay marka loo bar-bar dhigo horyaalada kale ee yurub.

Suuqii xagaaga ayaa si Rasmi ah u xidhmay Salaasadii iyada oo Premier League mar kale muujiyay in uu suuqa galiyay lacag ka badan horyaalada kale ee qaarada yurub.

Arintan ma ahan mid cusub laakiin waxa la yaabka ah ayaa ah sanadka 2021 in ay kooxaha lacagta badan galiyay suuqa ay doonayeen in ay doortaan tartanka European Super League sabab la xidhiidha in ay ku dhibaatoonayaan dhanka dhaqaalaha.

Saxiixii ugu qaalisanaa suuqii xagaaga premier League ayaa ah xiddig kooxda Man City ee Jack Grealish halka saxiixyadii ugu qaalisanaa maalintii ugu dambaysay suuqa ahaa xiddiga ku biiray Leeds United ee Dan James kaas oo ugu biiray 30 milyan oo euro.

Horyaalka premier League ayaa suuqa galiyay lacagta ugu badan iyaga oo kooxaha premier League saxiixyo cusub kula saxiixday lacag dhan 1.330 bilyan euro halka kooxaha horyaalka Serie A-da suuqa galiyeen lacag dhan 551.94 milyan euro.

Horyaalka Bundesliga ayaa suuqa galiyay alcag dhan 416.37 milyan halka horyaalka France ee Ligue 1 suuqa galiyay 356.42 milyan halka La Liga suuqa galiyay 292.5 milyan euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here